Waxaa maalintii labaad deggan xaaladda magaalada Buulo-mareer ee wilaayada Sh/hoose, ka dib markii ay halkaasi weerar culus oo ku billowday camaliyaad Istish-haadi ah ka fuliyeen cutubyo ka tirsan ciidamada Mujaahidiinta oo cagta mariyay ciidamadii kuffaarta Yugaandha ee ku sugnaa Buulo-mareer.
Wararka maanta ka imaanaya magaalada Buulo-mareer ee wilaayada Sh/hoose ayaa sheegaya in waaberigii 2-aad uu maanta shacabka magaaladaas u baryay iyagoo hoos harsanaya harka shareecada islaamka, waxaa dib usoo noqday isku socodkii dadka iyo kan gaadiidka, ganacsiga magaalada ayaa sidoo kale dib usoo noqday, maamulka magaalada waxaa maalintii si rasmi ah gacanta ugu haya maamulka wilaayada islaamiga ah ee Sh/hoose, ka dib markii halkaasi laga xoreeyay saliibiyiinta Yugaandha.
Ilo wareedyo deegaanka ah ayaa xaqiijinaya in bakhtiga ciidamada kuffaarta Yugaandha uu weli dhex daadsan yahay halkii lagu xasuuqay oo ah xerada ciidanka, waxay wararku intaas ku darayaan in maydad hor leh laga helay dhulka howdka ah kuwaas oo loo badinayo inay yihiin ciidanka Yugaandha ee isku dayay inay xerada ka baxsadaan iyagoo dhaawacyo qaba, kuwaas oo ay maanta maydadkooda dhulka howdka ah ku feenanayaan duurjoogta.