Sheekh Cabdullaahi Abuu Khaalid waaliga wilaayada islaamiga ah ee Galgaduud ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyay idaacadda islaamiga ah ee Al-andalus kaga warbixiyay weerarkii cagmarinta ahaa ee shalay lagu qaaday saldhiggii maleeshiyaadka murtadiinta ee deegaanka Masagawaay.
Sheekh Abuu Khaalid ayaa waraysigiisa ugu horrayn ku faahfaahiyay qaabka uu u dhacay weerarkii Masagawaay iyo maleeshiyaadka ay mujaahidiintu ku beegsadeen weerarka, sidoo kale waaliga ayaa ka warbixiyay sababta ugu wayn ee murtadiinta ku riixayso inay kusoo noqnoqdaan deegaankan oo markii labaad shalay lagu weeraray.
Waaliga ayaa sidoo kale xusay in mujaahidiintu ay weerarka ka dib xabsiyada murtadiinta ee degaanka Masagawaay kasoo sii daayeen maxaabiis muslimiin ah oo u xirnayd maleeshiyaadka Riddada, kuwaas oo ahaadad xoolo dhaqato ah oo ay dhowaan maleeshiyaadka murtadiinta ka afduubteen duleedka Masagawaay, ayna dadkaasi muslimiinta ah ku wareejin doonaan odayaashooda.