Idaacadda islaamiga ah ee Andalus oo booqasho rasmi ah ku joogta magaalada Buulo-mareer ee wilaayada Sh/hoose ayaa gudaha xeradii lagu xasuuqay ciidamada kuffaarta Uganda ee magaaladaas kula kulntay Sh Cabdisamad Abuu Cabdiraxmaan oo ah waaliga wilaayada islaamiga ah ee Sh/hoose.
Waaliga wilaayada islaamiga Sh/hoose Sheekh Abuu Cabdiraxmaan waxaa gudaha xerada saliibiyiinta kula kulmay wariyaha Andalus Bashiir Abuu Ayman oo ka mid ah wariyeyaasha idaacadda islaamiga ah ee Andalus, waaliga ayaa isagoo ku sugna xerada ka warbixiyay xasuuqii halkaas ku gaaray ciidankii kuffaarta Uganda ee uu indhihiisu saaray, kuwaas oo weli dhex daadsan gudaha xerada. Sheekha ayaa sidoo kale ka hadlay duqayn arxan darro oo maanta saliibiyiinta Yugaandha ay ka gaysteen magaalada Buulo-mareer taas oo ay ku dhinteen hooyo iyo ilmahaeeda.