Kadib weerarkii cagmarinta ahaa ee ka dhacay deegaanka Daaru-nicma ee wilaayada Sh/dhexe waxay mujaahidiintu si rasmi ah gacanta ugu hayaan guud deegaanka Daaru-nicma, halkaas oo ay dagaal uga saareen maleeshiyaadkii Riddada ee duullaanka ashahaada la dirirka ah kusoo galay halkaasi.
Ciidanka mujaahidiinta ayaa Raayad towxiidka ka taagay bartamaha deegaanka, waxaana deegaankaasi lagu arkay inay dhex daadsanyihiin maydadka maleeshiyaadka murtadiinta ay uga carareen Daaru-nimca, waxay sidoo kale ciidanka mujaahidiintu weerarkan ku qaniimeysteen hub iyo qanaa’im kala duwan.
Firxadka maleeshiyaadka murtadiinta ayaa lagu soo waramayaa inay gaareen deegaanka Al-kowthar iyo degmada Aadan Yabaal, weerarkan ayaana noqonaya weerarkii 3-aad oo cagmarin ah oo ay mujaahidiintu kula wareegaan gacan ku haynta Daaru-nicma.