Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerarka cagmarinta ah ee ay ciidamada mujaahidiintu saaka kula kalaheen saldhigga maleeshiyaadka murtadiinta deegaanka masagawaay ee dhaca wilaayada Galgaduud ee bartamaha Somalia.
Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in ciidamada mujaahidiintu si buuxda gacanta ugu hayaan goobihii lagu dagaallamay ee saldhigga iyo guud ahaan deegaanka Masagawaay ayna dabar jareen firxadka maleeshiyada Riddada ee doonayay inay ku baxsadaan dhanka xeebta ah, halkaas oo Allaah fadligii ay mujaahidiintu uga daba tageen kuna gummaadeen.