Kaddib weerarkii cagmarinta ahaa ee ay ciidamada mujaahidiintu kula wareegeen saldhigga murtadiinta ee degmada Kaxda waxay Andalus waraysi la yeelatay qof goobjooge ah oo ku sugan degmada, si uu uga warbixiyo qaabka ay wax uga dhaceen magaalada Muqdisho.
Goobjoogaha ayaa wariye Bashiir Abuu Ayman uga warbixiyay sida uu ku billowday howlgalka, waxa uu sheegay in weerarka ugu xooggan lagu beegsaday saldhigga degmada Kaxda, halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Riddada ee loo yaqaan Boolis Milataare, si ba’anna loogu laayay.
Maxaabiis muslimiin ah oo si dulmi ah ugu xirnaa maleeshiyaadka Riddada ayuu sheegay qofkan goobjoogaha oo ka mid ah bulshada degmada Kaxda, kuwaas oo markii ay mujaahidiintu saldhigga la wareegeen kadib ay kasii daayeen xabsiga.