Howlgal gaara oo ay sameeyeen ciidamada mujaahidiinta ayaa maanta lagu soo qabtay askari murtad ah oo ka tirsan maleeshiyaadka maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee Jubbaland, kaas oo ka mida maleeshiyaad ku sugnaa isbaaro maleeshiyaadkaasi u tiillay deegaan hoosta magaalada Dhoobley ee wilaayada Jubbooyinka.
Askarigaan murtadka ah iyo qorigii uu watay ayaa gacanta ugu jira ciidamada mujaahidiinta, idaacadda islaamiga ah ee Andalus ayaa waraysi la yeelatay askarigaan murtadka ah, wuxuuna idaacaddu kaga warbixiyay halka uu kaga soo biiray maamulka ashahaada la dirirka ah ee Jubbaland, shaqooyinka uu maamulkan u qabanayay iyo arimo kale.