Nabaddoon Xaaji Roog oo ka mid ah odayaasha dhaqanka islaamiga ah ee wilaayada Galgaduud xilliganna ku sugan furimaha dagaalka ee lagu hor fadhiyo saliibiyadda Maraykanka iyo dabadhilifyadooda murtadiinta ayaa ka hadlay duullaanka culus ee ay saaka ciidamada mujaahidiintu cagta ku mariyeen saldhiggii maleeshiyaadka Riddada ee deegaanka Masagawaay.
Nabaddoonka oo qadka Taleefanka uga qayb galayay barnaamij tabin toos ah oo ay Andalus ku samaysay duullaankii saaka ee Masagawaay ayaa sheegay in murtadiinta maanta jab culus loogu gaystay deegaanka masagawaay waxa uu sidoo kale nabaddoonku weerarkaasi ku tilmaamay cadaab uu Alle kor uga keenay maleeshiyaadka murtadiinta.
Sidoo kale kamiinka ka dhacay inta u dhaxayso Masagawaay iyo Ceel-dheer ee loo dhigay maleeshiyaad murtadiin ah oo gurmad u ahaa ciidankii Riddada ee lagu laayay Masagawaay ayuu sheegay in uu qabsaday weerar culus oo aysan filayn, isagoo xusay in saraakiil uu mid yahay horjooge Macawiisley ah iyo sarkaal kale oo ka tirsan ciidanka Riddada maleeshiyaadkaasi looga reebay kamiinka iyo askar kale oo iyagana ku leday weerarkaas.