Xafiiska warfaafinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa goordhow faafiyay sawirrada, warmurtiyeedka iyo fatwada sharciga ah ee kasoo baxday shirwaynihii labaad ee looga arrinsanayay jihaadka ka socda bariga Africa, kaas oo socday 8 maalmood oo xiriir ah.
Shirwaynahan kusoo gabagaboobay wilaayaadka islaamiga ah ee Soomaaliya waxaa ka qayb galay in ka badan 100 xubnood oo isugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada sida Culimada, Odayaasha dhaqanka iyo hogaanka guud ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo uu ugu horeeyo Sheekh Axmad Cumar Abuu Cubeyda, Xafidahullaah.
Shiwaynahan waxaa sidoo kale masuuliyiinta mujaahidiinta ee ka qayb galay ka mid ah Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise Kabakutukade oo ah waaliga wilaayada islaamiga ah ee Sh/dhexe, sheekha ayaana shirkaan uga qayb galay aaladda fogaan aragga ah isagoo ku sugan furimaha dagaalka.
Wariye Faysal Xassan Cali oo ka mid ah wariyeyaasha idaacadda islaamiga ah ee Al-andalus kana mid ahaa bahda warbaahinta ee ka qayb gashay shirkan ayaa faahfaahin ka bixiyay shiwaynihii 2-aad ee looga arrinsanayay jihaadka ka socda bariga Africa ee dhowaan kusoo gabagaboobay wilaayaadka islaamiga ah.
Halkan Ka Dhagayso Wariye Feysal Xassan Iyo Shiwaynaha Labaad ee Jihaadka Bariga Africa.