Ciidamada mujaahidiintu waxay howlgallo kala duwan oo dhabbagal u badan ka wadaan goobo ka baxsan saldhigyadii saaka cagta lagu mariyay murtadiinta ee kala ah Buulo-xaaji, Harboole iyo Miido, halkaas oo lagu ugaarsanayo maleeshiyaadka iyo saraakiisha gurmadka u ah Riddada.
Weerarada mujaahidiintu fuliyeen waxaa ka mid ah weerar kamiin ah oo ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen deegaanka Cabdalla-biroole ee duleedka magaalada Kismaayo, waxaana halkaas Allaah fadligiis lagu dhaawacay Waziirka awqaafta ee maamulka Ridada ah ee jubaland, murtad Maxamed Yuusuf Cumar, kaasoo la socday maleeshiyo gurmad ahaa oo kusii jeeday deegaanka Buula-xaaji.
Wararka qaar waxay sheegayaan in wasiirkan murtadka ah uu labada lugood ka go’ay, wallow aan si rasmi ah loo xaqiijin, khasaare xooggan ayaa sidoo kale gaaray maleeshiyadii uu la socday.
Sidoo kale waxay ciidamada mujaahidiintu weerar kammiin ah u dhigeen kolonyo murtadiin ah oo marayay deegaanka Yoontooy ee duleedka Kismaayo, kuwaas oo gurmad u ahaa murtadiinta lagu weeraray saldhigyada Riddada ee Harboole iyo Miido.