Ciidamada mujaahidiintu waxay howlgallo culus oo ka dhan ah murtazaqada Maraykanka ee Bangaraafta ka wadaan duleedka magaalada Kismaayo, halkaas oo ay dhaqdhaqaaqyo ka wadeen maleeshiyaadka Riddada.
Saraakiisha ciidamada mujaahidiintu waxay Andalus u xaqiijiyeen in weerar culus oo jidgal ah loo dhigay kolonyo ka tirsan murtadiinta Danab ee sida gaarka ah u hoostaga saliibiyadda Maraykanka, weerarkaan kammiinka ah ayaa si gaar ah kaga dhacay inta u dhaxayso deegaannada Buulo-gaduud iyo Birta dheer, waxaana Allaah fadligiis halkaas lagu dilay 3 askari, halka lagu dhaawacay 3 kale, qori AK47 ah iyo qori Bkm ah ayaa lagu soo qaniimeystay weerarka.
Waxay sidoo kale mujaahidiintu weerar kale oo kamiin ah u dhigeen maleeshiyaad murtadiinta Danab ka tirsan oo usoo gurmaday saaxiibadoodii lagu galay inta u dhaxayso Birta dheer iyo Buulo-gaduud, ugu yaraan 10 askari ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay weerarkan, halka 11 kalena lagu dhaawacay.