Waxaa saaka deggan xaaladda deegaanka Ceel-lahelay ee wilaayada Galgaduud, halkaas oo ciidamada mujaahidiintu gelinkii dambe ee shalay ay weerar culus oo cagmarin ah kaga saareen maleeshiyaadka murtadiinta Danab iyo kuwa ashaamudka ah ee la isku soo uruuriyay.
Wariye Liibaan Cabdiraxmaan oo ka mid ah wariyeyaasha idaacadda islaamiga ah ee Andalus ee ku sugan deegaanka Ceel-lahelay ayaa soo sheegay in xaaladda deegaankaasi ay saaka tahay mid deggan, maalintii labaadna deegaankaasi uu hoos harsanayo harka shareecada, maydadka maleeshiyaadkii Riddadana ay daadsanyihiin jidadka iyo difaacyadii lagu gumaaday.
Firxadkii murtadiinta ayuu sheegay in uu gaaray degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, halkaas oo ah halkii markii hore ay kasoo duullaan tageen maleeshiyaadkii shalay lagu soo afjaray deegaanka Ceel-lahelay.