Xaflad heer sare ah oo loo qabtay arday wax ka baratay Machadka Alfurqaan oo ah machad ay furatay Beesha Ajuuraan ee degta Koonfurta Soomaaliya ayaa dhawaan ka dhacday wilaayada Jubbooyinka.
Xafladda oo lagu soo xirayay machadka oo dhamaystay wakhtigii loogu talo galay oo ahayd saddex sano ayaa waxa xafladda kasoo qayb galay marti sharaf aad u badan iyo ardaya oo soo bandhigay cilmigii ay halkaasi ku barteen.
Machadkan waxa aasaasay sheekhii caanka ahaa sheekh Cabdilqaadir Kamaandows oo diyaaraha Maraykanku ay duqayn ku dileen, waxana maanta la guranayaa mirihii uu ka tagay sheekhu ee khayrka ahaa, waana ajar iyo xasanaad u socda insha’allaah cilmigan uu faafiyay.