Murtad Muxammad Cabdullaahi Buraalle oo ka mid ah xildhibaannada baarlamanka dawaaqiidda ee kooxda Riddada Soomaaliya, kana mid ah mujrimiinta abaabulaysa dagaalka ka dhanka ah shareecada islaamka, ayaa ka qaylo dhaamiyay fashilka uu waajahayo dagaalkan.
Burraale ayaa sheegay in xaaladda dhabta ah ee dagaalka ashahada la dirirnimo ee ay kaga jiraan wilaayada Hiiraan, uu ka duwan yahay sida ay u dhigayaan madaxda murtadiinta oo uu sheegay inay ku hadaaqayaan hadallo afka baarkii ah, isagoo intaa ku daray in xilli walbaa halis loogu jiro weerarada Mujaahidiinta.
Murtadkan ayaa sidoo kale sheegay in macnawi ahaan ay u jabeen maleeshiyaadka Riddada ee lagu soo guray furimaha dagaalka, isagoo xusay in xittaa aysan haysan qaadka oo ka mid ah maandooreyaasha ay u dagaallamaan, wuxuuna weerar dhanka afka ah ku qaaday maamulka Riddada Hirshabeelle.
Hadalkan kasoo yeeray murtad Muxammad Cabdullaahi Burraale oo ka mid ah xildhibaannada dawaaqiidda Riddada ayaa kusoo beegmaya xilli ay iska soo daba dhacayso qayla dhaanta kasoo yeeraysa madaxda iyo saraakiisha Riddada ee hor boodaya dagaalka ka dhanka ah shareecada islaamka, xili ay mujaahidiinta sii kordhiyeen weerarada lagu dhiigbixinayo maleeshiyaadka murtadiinta ee jeego dharbaaxa lagu keenay furimaha dagaalka.