Maamulka ashahaada la dirirka ee Koonfur galbeed ayaa maanta diiday in magaalada Baydhaba uu kasoo dago mid ka mid ah xldhibaanada Kooxda Riddada Soomaaliya, murtadkaan loo diiday in garoonka diyaaradaha Baydhaba uu ka dago ayaana lagu magacaabaa xildhibaan Cabdullaahi Aadan Ahmed Balaak.
Xildhibaankan murtadka ah ayaa sheegay in amarka loogu diiday in garoonka Baydhaba uu kasoo dego ay bixisay hay’adda waxay ugu yeeraan nabadsugidda maamulka Riddada ah ee Koonfur Galbeed.
Arrintan ayaa kusoo beegmayso iyadoo siyaasyiinta mucaaradka maamulka Riddada ah ee Koonfur Galbeed ay maalmo ka hor sheegayeen in ay ku wajahanyihiin magaalada Baydhabo.