Kadib markii ay sii xoogaysteen hawlgallada Mujaahidiinta, Allaah fadligiina ay gaareen ubucda dhulka murtadiinta, iyagoo beegsanaya xarumahooda, hooygooda, duminayane xafiisyadooda, ayeey qayla dhaan afka furteen madaxda Riddada, kadib marki ay u adkaysan waayeen hawlgallada xanuunka badan ee beegsanaya, una sii dheertahay walwalka iyo cabsida ay la noolyihiin.
Kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen xildhibaanada dawaaghiidda ah ee Kooxda Riddada Somalia, ayey qayla dhaan kaga muujiyeen amni darrada ka jirta caasimadda iyo weerarrada Mujaahidiinta ee sii kordhaya, waxaana xildhibaan kasta oo kulankaasi ka hadlay wajigiisa ka muuqatay cabsida iyo walbahaarka uu la noolyahay.