Qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka dawaaghiida Riddada oo ka hadlayay howlgalkii barakaysnaa ee ay maalmo ka hor Mujaahidiintu ku khaarajiyeen taliyihii sirdoonka Riddada ee gobolka Gedo murtadka lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Bakaal Kooke, ayaa walaac ka muujiyay howlgalkaas.
Xildhibaannadan oo warbaahinta kula hadlayay gudaha magaalada Muqdisho ayaa sheegay, in dilka murtad Cabdiraxman Bakaal Kooke uu kooxda Riddada Soomaaliya kaga dhigan yahay dharbaaxo culus oo ay mujaahidiinta kala kulmeen.
Dhanka kale waxaa shalay kooram la’aan u baaqday kulan ay yeelan lahaayeen xubnaha baarlamaanka dawaaghiidda Riddada sida uu shaaciyay guddoomiye ku xigeeka labaad ee baarlamaanka dawaaghiidda Riddada.
Murtad Cabdullaahi Cumar Abshirow oo ah guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Riddada ayaa sheegay in kulankii baarlamaanka ee shalay uu u baaqday sababo amni darteed iyo baaritaannada ay maraan xildhibaannada.
Arrintan ayaa kusoo beegmayso xilli xildhibaannada dawaaqiidda kooxda Riddada Somalia ay dhowaan shaaciyeen inay ku dhibanyiiin fadhiyada ay kaga qayb galaan golaha dawaaqiidda, sababta ugu wayn ayayna ku sheegeen amniga iyo baaritaanka oo ah mid wakhti badan qaata.