Wararka ka imaanaya wilaayada Jubbooyinka ee dhacda koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in diyaarad helicopter ah oo ay leeyihiin ciidamada saliibiyiinta Kenya ay kusoo dhacday deegaan hoostaga degmada Badhaadhe, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo soo gaaray askartii iyo saraakiishii Kenyaatiga ee la socday diyaaradda.
Diyaaraddan ayaa si gaar ah ugu soo dhacday deegaan lagu magacaabo Kurtumaaley oo dhacda duleedka magaalada Kaambooni ee degmada Badhaadhe, waxaana la xaqiijiyay inay ku dhinteen 13 xubnood oo isugu jiray askar iyo saraakiil Kenyaanti ah, sida uu xaqiijiyay wariyaha Andalus ee wilaayada Jubbooyinka Cismaan Axmed Dhuubow.