Jugta qarax aad u xooggan ayaa maanta laga maqlay xaafadaha kala duwan ee magaalada Muqdisho, kaddib markii ay ciidamada mujaahidiintu camaliyad Istish-haadi ah ku beegsadeen xubno murtadiin ah, oo ku sugnaa goob isku imaatin u ah.
Taliska ciidanka mujaahidiinta ayaa bayaan kooban oo uu goordhow soo saaray ku xaqiijiyay in camaliyadda Istish-haadiga ah ay ka dhacday dhabarka dambe ee xarunta maamulka Riddada gobolka Banaadir, Allaah fadligiisna lagu beegsaday xubno murtadiin ah oo ka kala tirsanaa hay’adaha sirdoonka Riddada, shaqaalaha wasaaradaha Riddada iyo kuwa maamulka murtadiinta ugu magacaaban gobolka Banaadir. waxaana taliska uu sheegay in khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac camaliyaddaasi lagu gaarsiiyay xubnaha Riddada.