Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan guutada Istish-haadiyiinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa caawa howlgal culus oo Inqimaasi ah ka billaabay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, gaar ahaan xarun ay ku shirayeen saraakiil iyo madax ka tirsan kooxda Riddada Soomaaliya.
Howlgalka Inqimaasiga ah ayaa ku billowday qaraxyo aad u xooggan ka dibna waxaa xigay ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan guutada Istish-haadiyiinta, kuwaas oo u daatay gudaha xarunta murtadiinta, waxay ugu horrayn toogasho ku dileen ilaaladii xarunta ka dibna waxay toogasho ka dhan ah madaxda murtadiinta ka billaabeen gudaha xarunta.
Saraakiil iyo xubno murtadiin ah ayaa lasoo warinayaa in durba lagu dilay howlgalka socda inkastoo aan xog rasmi ah la helin maadaama uu howlgalku fiidkii caawa billowday, mujaahidiinta ayaa si buuxda gacanta ugu haya xarunta Riddada ee lagu beegsaday saraakiisha iyo waziirada murtadiinta.