Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerarkii cagmarinta ahaa ee ay saakay mujaahidiintu ku qaadeen saldhigga ciidan ee maleeshiyaadka murtadiinta ay ka samaysteen deegaanka Busleey ee dhaca duleedka magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu laayay saraakiil iyo maleeshiyaad fara badan.
Saraakiisha ciidan ee weerarkaan lagu dilay waxaa ka mid ahaa Liibaan Golcad oo ahaa taliyihii maleeshiyada Police military, kaas oo sidoo kale haystay xerada cagta la mariyay saaka ee Busleey, sidoo kale saraakiil iyo maleeshiyaad fara badan ayaa lagu dilay weerarkan.