Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ciidanka Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa looga warbixiyay howlgalkii Istish-haadiga ee saaka lagu beegsaday xarun ciidan oo ay murtadiintu kaga sugnaayeen kasoo horjeedka halka loo yaqaano Xera-Jarmal ee Jidka warshadaha ee Magaalada Muqdisho.
Taliska ayaa sheegay in camaliyadda Istish-haadiga ah ay gaartay halkii hadafka u ahayd ayna ka gudubtay dhamaan baraha ay waddooyinka caasimadda dhigteen maleeshiyaadka Ridada, xarunta la beegsaday oo talis u ah maleeshiyo laga keenay Uganda oo loo bixiyay Boolis Milataare ayuu talisku sheegay inay sidoo kale xarun u ahayd maamulka Riddada gobolka Banaadir, Khasaaraha horudhaca ah ee dhimashada ayuu taliska ciidanka ku sheegay 23 murtad oo isugu jira askar iyo saraakiil ka tirsan maamulka ridada ugu magacaaban Banaadir, xarunta iyo gaadiid badan ayaa halkaas kaga gubtay murtadiinta.
Sidoo kale taliska ciidanka ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgal lagu beegsaday maleeshiyaad dharcad ah, kaasi oo maanta ka dhacay suuqa bakaaraha, halkaas oo murtadiinta looga dilay hal askari, halka mid kalena halkaas looga dhaawacay.
Halkan Ka Dhagayso Warsaxaafadeedka Taliska oo Dhamaystiran.