Taliska ciidamada ee Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgalkii aadka u xooggaanaa ee ay mujaahidiintu saaka kula jarmaadeen saldhigga maleeshiyaadka Riddada ay ka deganaayeen deegaanka Janaay Cabdalle ee dhaca duleedka magaalada Kismaayo.
Taliska ciidanka mujaahidiinta ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku xaqiijiyay in howlgalkaasi laxaadka leh lagu beegsaday maleeshiyaadka Riddada ee sida gaarka u hoostaga Maraykanka ee Danab loogu yeero, kuwo Imaaraatka u shaqeeya, kuwa maamulka Riddada ah ee Jubbaland iyo maleeshiyaad kale oo hoostaga murtadiinta loogu yeero federaalka. waxaana howlgalkaas lagu dilay inka badan 89 xubnood oo murtadiin ah oo isugu jira sarakiil iyo maleeshiyaad gaadiidkii xerada dhex yiilay ayaa dhammaan soo galay gacanta mujaahidiinta.
Taliska ayaa sidoo kale faahfaahiyay howlgallo kale oo barbar socday duullaankii Birta dheer kaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad murtadiin ah oo saldhigyo ciidan kulahaa duleedyada magaalada Kismaayo.
Bayaanka Taliska oo uu ku saxiixnaa afhayeenka ciidanka Sh Cabdicasiis Abuu Muscab waxaa lagu yiri “Ciidamada Mujaahidiintu waxay saakay oo Talaado ah weerar lixaad leh ku qaadeen saldhiga ciidamada ridada ah ay dhawaan ka samaysteen deegaanka Janaay cabdalle ee duleedka degmada Kismaayo. Halkaas waxaa ku sugnaa ciidamo kala duwan oo kuwa ridada ah sida kuwa Maraykanku leeyahay ee Danab loogu yeero, kuwo Imaaraatka u shaqeeya, kuwa maamulka ridada ah ee Jubaland loogu yeero iyo qaar hoostaga murtadiinta loogu yeero federaalka . Weerarka oo billawday xilligii salaada Fajarka waxaa ay ciidamada Mujaahidiintu dhawr jiho ka weerareen fariisimayaasha cadawga ee Janaay cabdalle, waxaana Ilaahay mahadiis dagaal xooggan kadib ciidamada Tawxiidka u suurtagashay inay jebiyaan maleeshiyadii ridada, ayna si buuxda gacanta ugu dhigaan saldhigii ridada ee Janaay cabdalle. Sidoo kale ciidamada Mujaahidiintu waxay dagaal kala hortageen ciidamo murtadiin ah oo ku sugnaa deegaanada Baar-sanguuni, buundada Daariq, Siin-gallayr iyo Yoontooy kuwaas isku deyay inay u gurmadaan murtadiinta lagu weeraray Janaay cabdalle. Khasaaraha dhimashada ee cadawga soo gaaray inta hada aan ognahay waa 89 iskugu jirta askar iyo saraakiil. sidoo kale waxaa ay ciidamada Mujaahidiintu gacanta ku dhigeen dhamaan gaadiidkii dagaal ee cadawga u yaallay saldhiga Janaay cabdalle kuwaas oo tiradoodu ahayd 20 gaari. Waxaa iyaguna jira hub iyo saanad ciidan oo aad u farabadan oo ay ciidamada Mujaahidiintu gacanta ku dhigeen. Faahfaahin intaas ka badan dib ayaan kasoo gudbin doonaa insha-Allaah”.