Mu’assasada warbaahineed ee Al-kataaib ayaa baahisay bayaan muhiim ah oo kasoo baxay Hoggaanka Sare ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kaasoo ciwaan looga dhigay “ hambalyada iyo bogaadinta Qazwada barakeysan ee Duufaanta Al-Aqsaa”, oo markii ugu horeysay Mujaahidiinta bariga Afrika kaga hadleen howlgalka ka socda dhulka la heysto ee Falastiin.
Horudhaca bayaanka hoggaanka mujaahidiinta waxaa lagu yiri “ Waxaa mahad iska leh Allaah Cazza Wajalla oo kitaabkiisa ku yiri: (وَإِذْ تَأَذَّنَ رَبُّكَ لَيَبْعَثَنَّ عَلَيْهِمْ إِلَىٰ يَوْمِ الْقِيَامَةِ مَن يَسُومُهُمْ سُوءَ الْعَذَابِ ۗ)
Naxariis iyo nabad geliyana Nabi Muxammad korkiisa ha ahaato, kaasoo yiri “ waxaan jecleystay in Allaa dartii la ii dilo, kadibna la isoo nooleeyo, kadibna la Idilo, kadibna la isoo nooleeyo, kadibna la idilo”.
“Intaas kadib, Waxaa ina soo gaaray wacdaraha howlgalka Duufaanta Al-Aqsaa, oo ay la socdaan takbiirta, tahniyadda iyo hambalyada, noomana cuntanto – mowqifkan guusha weyn laga gaaray Yahuudda uu Allaah u carooday, murugada iyo dulligana u kulantay Yahuudda iyo walaalahooda Saliibiyiinta- inaan dib uga dhacno inaan walaalaheena Mujaahidiinta Filastiin u hambalyeyno, uguna tahniyadeyno qazwadan bishaarada xambaarsan, oo aan salaan u dirno dhamaan geesiyaasha, halyeeyada iyo Muraabidiinta ribaadka kaga jira dhulka barakeysan, dhamaantoodana waxaan ku leenahay: Alle kheyr ha idin kaga abaalmariyo umadda Islaamka, hana idin kaga mahad noqdo Jihaadka iyo howsha wanaagsan ee aad qabateen, waxaad shaafiseen quluubta mu’miniinta, Muslimiinta meel weliba oo ay joogaanna waxay ku farxeen inaad gacanta la gaarteen oo aad ka qisaasteen Sahaayanada mujrimiinta ah, islamarkaana dhadhansiiseen cadaab xanuun badan, maadaama gacmahooda quurnka ah ay sanado badan ku geysteen xadgudub iyo collaad” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay hoggaanka sare ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Bayaanka oo sii socda waxaa lagu yiri “ Inagoo daawaneyna falcelinnada caalamiga ee qazwada Duufaanta Al-Aqsaa, waxaan aragnaa sida ay Saliibiyiinta Maraykanka, Yurub iyo dhul kasta oo uu Saliibka ka taaganyahay, Asnaamtana lagu caabudo, isugu raaceen taageerada Yahuudda xadgudubka badan, iyo in fal-dembiyeed laga dhigo qazwada halyeynimada leh ee sharafta badan, argagaxiso iyo xagjirinimana lagu shaabadeeyo, waana dhaqan ay had iyo goor leeyihiin in iska dhicinta cadowga horarka ah ku tilmaamaan argagaxisinimo, Jihaad kasta iyo iska caabin weliba oo lala galo gumeystayaashana, xagjirnimo ku sheegaan. Mowqifkan ay isku raaceen xukuumadaha iyo dowladaha gaalada ee ah in la taageero Yahuudda, ayaana cadeyn muuqata u ah in kufrigu yahay hal diin, murugtoodana ay farxadeena tahay, farxadeenana ay murugtooda tahay. Reer galbeedka gaalada ah iyo rabiibadooda loogu yeeray Israaiil marnaba ma fileynin iney la kulmi doonaan darbadan gilgishey kayaankooda dhiciska ah, ee ay ka dhiseen dhulka muslimka ah ee Falastiin mudda hadda laga joogo 75 sano, islamarkaana ku garab taagnaayeen kolonyo taageero xiriir ah iyo tanan maalgelin aan xadidneyn, ugu dambeyntiina Camaliyadda Duufaanta Al-Aqsaa ayaa fadeexeysay, banaankana soo dhigtay dacfiga iyo taag darida kayaankan.
Halkan Ka Degso Bayaanka Oo Dhamaystiran Oo Ku Qoran Luuqadda Carabiga.