Taliska ciidanka ee Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa warsaxaafadeed kasoo saaray howlgalkii camaliyadda Istish-haadiga ah ku billowday ee cagta lagu mariyay saldhigga maleeshiyaadka murtadiinta ee degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu laayay maleeshiyaad fara badan, askarna noolna lagu qabtay.
Taliska ciidanka ayaa sidoo kale ka warbixiyay in weeraro culus lagu beegsaday fariisimeyaal ciidan oo kuyaal Arbacow, buurta Cali Jannaale iyo Jaziira, halka sidoo kale weerar jidgalka ah loo dhigay maleeshiyaad murtadiin ah oo kasoo gurmaday dhanka degmada Dharkeenley.
Weeraro kale oo culus ayuu taliska ciidanka sheegay in lala beegsaday xeryo ciidan oo kuyaal degmooyinka Wadajir iyo Wardhiigleey, gaar ahaan agagaarka xerada Xalane iyo madaxtooyada looga arimiyo kooxda Riddada. sidoo kale taliska ayaa sheegay in maxaabiis muslimiin ah ay mujaahidiintu kusoo furteen howlgalkii ka dhacay degmada Kaxda, kuwaas oo si dulmi ah ugu xirnaa xabsiyada murtadiinta.