War saxaafadeedkan oo kasoo baxay maktabka siyaasada iyo wilaayaatka ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab kuna qornaa luuqada Englishka ayaa diiradda lagu saaray duqeyn diyaaradaha saliibiyiinta Mareykanka ka geysteen duleedka degmada Buurdhuxunle ee wilaayada Islaamiga Bakool, taas oo lagu dilay qoys muslim ah oo ka koobnaa 8 ruux.
Bayaanka waxaa lagu yiri: “sagaalkii subaxnimo ee todobadii bishii Rabiicul awal 1445, oo waafaqaneed 22 September 2023, saliibiyiinta Africom ayaa fuliyey weerar lagu xasuuqay qoys Muslim ah oo ka koobnaa 8 ruux oo isugu jira dumar iyo caruur. Xasuuqan oo ka dhacay meel u dhow deegaanka Buurdhuxunle ayaa lagu laayey qoyska Sheekh Isxaaq kadib markii diyaarado aan duuliye lahayn oo ay leedahay dowlada Mareykanka duqeyn la dhaceen hooygooda oo ku yaalla duleedka deegaanka” ayaa lagu yiri.
Bayaanka ayaa soo gudbiyey magacyada iyo da’da dadkii muslimiinta ahaa ee ku shahiiday duqeynta, waxaana lagu sheegay in duqeymaha ula kac ah ee ay AFRICOM ku beegsaneyso dadka rayidka ah gaar ahaan dumarka iyo haweenka uu qeyb ka yahay dambiyada dagaal ee uu kacayo ciidankooda, islamarkaana weerarkii ugu dambeeyey ee dhacay jimcihii uu marklae cadeynayo sida aysan AFRICOM ugu jixinjxigeyn nolosha dadka Muslimiinta ah ee soomaaliyeed.
Halkan Ka Dhagayso Warbixinta Bayaanka Oo Dhamaystiran.
Halkan Ka Degso Bayaanka Oo PDF Ah.
Ama Hoos Ka Akhriso.