Aadan Hufle oo ka mid ah saraakiisha Milatariga dowlada Ridada federaalka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu habeenkii xalay ka badbaaday isku day la doonayay in isaga lagu dilay.
Sarkaalkan ayaa xusay in isagoo dhex lugeynayo qeybo ka mid ah xaafada Nasteexo ee degmada Wadajir ay soo weerareen labo wiil dhalin yaro ah oo Biskoolada ku hubeysan waasida uu hadalka u dhigay Aadan Hufle.
Sarkaakan waxa uu intaasi raaciyay inuu cagaha wax ka dayay markii uu dareemay in labada ruux ee dhalinyarada ah xagiisa soo aadeen’waxa uu intaasi ku daray in dhowr xabadood aykusoo rideen intii uu ordayay balse aysan haleelin rasaastaasi.
Habeenkii xalay ayeey aheed markii ciidamada Shabaabul Mujaahidiin howlgal ay ka fuliyeen gudaha degmada Dharkenley ku dileen qorigii uu watayna kaga qaateen Mowliid Muxamed oo ahaa askari ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somalia.