Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab waxey weerar qorsheysan ku qaadeen saldhiga iyo isbaaro maleeshiyaatka dowlada Ridada ay ka sameysteen degmada Afgooye ee gobalka Shabeelada hoose.
Dadka deegaanka waxey xaqiijiyeen in dagaalka oo muddo kooban socday la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,iyadoona ciidamada Mujaahidiinta si buuxda ay ula wareegeen gacan ku heynta saldhiga degmada ee weerarku ka dhacay.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ay dagaalkaasi ku dileen Labo askari oo ka tirsan Murtadiinta gacantana ay ku dhigeen Mooto iyo lacag Shilin Somali ah oo ay lahaayeen maleeshiyaatka dowlada Ridada.
Halkan Ka Dhageyso Warbixinta Dagaalka Afgooye.
Calamada.com