Wararka laga helayo degamda Baydhabo ee xarunta gobalka Baay waxey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay maleeshiyaatka Murtadiinta duleedka degmadaasi ku dileen Odayaal dhaqameedyo Hal Beel kasoo wada jeeda.
Dilkan naxdinta waxey maleeshiyaatka kabo qaadka u ah Amxaarada kula dhaqaaqeen Labo odayaal dhaqameedyo lagu kala magacaabi jiray Nabadoon Cali Tufeey iyo Nabadoon Sheekh Xasan Tiifow.
Labadan Nabadoon ayaa xilligii ay dileen maleeshiyaatka Murtadiinta waxey ku sugnaayeen Tuulada Looya Gaduud oo ku dhaw magaalada Baydhabo waxeyna xilligaasi odayaasha ku mashquul sanaayeen xalinta Muran ka dhextaagan qaar ka mid ah dadka tuuladaasi.
Halkan Ka Dhageyso Faahfaahinta Dilka Nabadoonada.
Calamada.com