Kulanka oo muddo sedax maalmood ah socday ayna kasoo qeyb galeen mas’uuliyiin katirsan Xarakada Al Shabaab iyo waxgaradka iyo samadoonnada beesha Cabdalla Caroone ayaa lagasoo saaray qodobo dhowr ah.
Ugu horrayn beesha Cabdalla Caroone ayaa ballan qaaday in deegaannada ay ka degto Sh/dhexe ay kasoo erido maleeshiyaadka dowladda Federaalka ee Macaawisleyda loo yaqaan islamarkaana ay dhaqan geliso ku dhaqanka shareecada islaamka.
Sheekh Yuusuf Ciise Kaba Kutukade waaliga Shabeellaha dhexe ayaa markii uu kulanku soo idlaaday warbaahinta u akhriyay qodobadii ay labada dhinac ku heshiiyeen.
Halkan Hoose Ka Dhageyso Warbixinta Kulanka.