Munaasabad ballaaran oo ka dhacday degmada Jowla ee gobalka Mudug ee bartamaha dalka Somalia waxey beesha Saruur oo ka tirsan beelweynta Habar gidir ku furatay machad diini ah oo loogu tala galay iney wax ku bartaan ubadka beeshaasi.
Machadka oo loogu magacdaray Imaamka weyn Ibnu Kathiir waxaa munaasabadii lagu furuyay ka qeyb galay qeybaha kala duwan ee beesha iyo marti sharaf kale.
Sheekh Cali Katiin oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed sidoo kalane ka mid ah xubnihii kalimadaha ka jeediyay munaasabada ayaa si aad ah kaga hadlay Waajibka qof walbo oo Muslim ah ka saaran barashada diinta Islaamka.
Halkan Ka Dhageyso Kalimadihii Laga Jeediyay Munaasabada.
Calamada.com