Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin qeybtooda ka howlgala gudaha magaalada Muqdisho waxey weerar qorsheysan ku qaadeen fariisin maleeshiyaatka dowlada Ridada ay ku leeyihiin degmada Hilwaa.
Weerarkan waxey ciidamada Mujaahidiinta ku qaadeen fariisinka maleeshiyaatka dowlada ee dhismaha Warshadii hore Barfuunka degmada Hurwaa ee magaalada Muqdisho.
Dhawaaqa rasaasta dagaalka waxaa si aad ah looga maqlayay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho lamana xaqiijin khasaaraha maleeshiyaatka dowlada lagu gaarsiiyay dagaalkaasi.
Dagaalkan waxa uu imaanaya xill saacadihii lasoo dhaafay Shan askari oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Farmaajo dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen weeraro ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay ka fuliyen gudaha iyo duleedka magaalada Muqdisho.
Halkan Ka Dhageyso Faahfaahinta Dagaalka Barfuunka.
Calamada.com