Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey weerar cus ku qaadeen mid ka mid ah degmooyinka gobalka Bakool ee duulaanka ay ku joogaan ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaatka Murtadiinta.
Dagaalkan waxa uu ka dhacay degmada Waajid waxeyna ciidamada Shabaabul Mujaahidiin si gaar ah u beegsadeen difaacyada iyo saldhiga maleeshiyaatka Maamulka Shariif Sakiin ay ka sameysteen gudaha degmadaasi.
Dhawaaqa rasaasta dagaalka ayaa sii aad ah looga maqlayay xaafadaha degmada iyo qaar ka mid ah deegaanada hoostaga degmadaasi waxeyna dadka deegaanka xaqiijiyeen in ciidamada Shabaabul Mujaahidiin xalay gudaha usoo galeen degmadaasi.
Warar hoose waxey sheegayaan iney jiraan tiro askar ah oo maamulka Shariif Sakiin dhimasho iyo dhaawac ku noqday dagaalka mana jirin wax gurmad ah oo ciidamada Xabashida Itoobiya ee difaacyada ku leh duleedka degmadaasi ay usoo sameeyeen maleeshiyaatka Murtadiinta ee lagu weeraray gudaha degmada Waajid intii dagaalkaasi uu socday.
Habeen hore ayeey aheed markii ciidamada Shabaabul Mujaahidiin weerar qorsheysan ku qaadeen isbaaro maleeshiyaatka Murtad Shariif Sakiin ay dhigteen gudaha degmada Baydhabo ee gobalka Baay.
Halkan Ka Dhageyso Warbixinta Dagaalka.
Calamada.com