Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxayo dagaal maanta ka dhacay duleedka degmada Balcad ee gobalka Shabeelada dhexe kaasi oo dhexmaray ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo maleeshiyaatka dowlada Ridada.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Shabaabul Mujaahidiin weerar ku qaadeen maleeshiyaat ka tirsan dowlada Ridada oo kasoo baxay degmada Balcad kuwaasi oo kusii jeeday halka loo yaqaano Kala wareega oo maalmo ka hor dagaal ay kula wareegeen ciidamada Shabaabul Mujaahidiin.
Dadka deegaanka waxey warbaahinta u sheegeen in dagaalkaasi markii muddo socday la jibiyay maleeshiyaatka dowlada kuwaasi oo ugu dambeyntii carar ku galay degmada Balcad.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in dagaalkaasi khasaara lagu gaarsiiyay maleeshiyaatka Murtadiinta ,iyadoona ciidamada Mujaahidiinta Garneelada Garbaha laga rido ay la heleen gaari Cabdi Bile ah oo ay lahaayeen Murtadiinta kaasi oo goobta ku gubtay.
Warar hoose oo laga helay dhanka degmada Balcad ayaa sheegaya in gudaha degmadaasi la geeyay tiro askar ah oo maleeshiyaatka dowlada kaga dhaawacantay duleedka degmadaasi.
Halkan Ka Dhageyso Xogta Dagaalka Balcad.
Calamada.com