Xili ay sii kordheen Howlgallada Ciidamada Mujaahidiinta ay ka fulinayaan gudaha Magaalada Caasimada Muqdisho, ayaa hadda Xildhibaanada Golaha Dawaaqiida Kooxda Ridada Somaliya waxa ay walaac daran ka muujiyeen Howlgallada Mujaahidiinta Al Shabaab ay ka wadaan Degmooyinka Magaalada Muqdisho .
Murtadka Lagu magacaabo Dalxa oo ka mid ah Xildhibaanada Murtadiinta ayaa ka hadlay Howlgallada Bisha Barakeysan ee Ramadaan ay Mujaahidiinta ka fuliyaan Magaalada Muqdisho, isagoona Sheegay in arrintaasi ay tahay mid lala yaabo xili kooxda Ridada Somaliya ay sheegtay in ay u diyaar garooday in ay sugaan Amaanka Magaalada Muqdisho .
Waxaa uu tilmaamay Murtadkaan in kooxda Ridada Somaliya ay ku fashilantay ka hortaga weerarada Mujaahidiinta maadaama Ciidamada badan ee lagu soo daadiyay Xaafadaha Magaalada Muqdisho ayna hakin la’yihiin howlgallada Mujaahidiinta ee ka dhacaya Muqdisho .
Mar wax laga weydiiyay Murtadkaan, haddallada ay jeediyaan Madaxda kooxda Ridada Somaliya ee ku aadan xiliyada ay dhacaan Howlgallada Mujaahidiinta ayaa waxa uu yiri .
Hadalkaan ka soo yeeray Xildhibaanada dawaaqiida Kooxda Ridada Somaliya ayaa ku soo aadaya xili ay sii laba jibaarmeen Howlgallada Mujaahidiinta ee ka dhacaya Magaalada Muqdisho .
Howlgalladaan oo isku jira dilal, Qaraxyo, iyo dagaallo toos ah ayaa waxaa lagu dilay saraakiil, iyo Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Ridada Somaliya.
Weerarada Mujaahidiinta ee Bisha Barakeysan ee Ramadaan ka dhacaya Muqdisho ayaa dhawaan walaac daran waxaa ka muujiyay dhawaan R/Wasaaraha Kooxda Ridada Somaliya kaasi oo ku eedeeyay Maamulka Ridada ugu magacaaban Gobalka Banaadir in ay wax ka qaban waayeen sugida Amniga Magaalada Muqdisho .
Halkan Ka Dhageyso Calaacalka Murtad Dalxa.
Calamada.com