Idaacadda Al-andalus ee ku hadasha afka xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab waxay xalay baahisay dardaaranka halyeygii camaliyadda Istish-haadiga ku daahfuray weerarkii xoogganaa ee bishii aynu soo dhaafnay ay Mujaahidiintu kusoo afjareen maleeshiyaadkii ku sugnaa saldhigga deegaanka Camaara ee koonfurta wilaayada Mudug.
Weerarkan oo ahaa mid cagta lagu mariyay maleeshiyaad ka tirsanaa dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Galmudug waxa uu 2 toddobaad ka hor ka dhacay deegaanka Camaara waxaana halkaas lagu dilay inka badan 35 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda halka sidoo kale lagu soo furtay 18 gaari oo shan ka mid ah uu si gaar ah ulahaa madaxwaynaha maamulka Galmug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.
Weerarkaas waxaa camaliyad Istish-haadi ah ku daahfuray halyay Istish-haadi ah oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Zeynudiin oo kasoo jeeda waddanka Kenya gaar ahaan magaalo xeebeedda Mombasa halkaas oo uu ku dhashay kuna soo barbaaray ugu dambaynna uu kaga soo hijrooday wilaayaadka dalka Soomaaliya ee lagu maamulo shareecada islaamka.
Idaacadda Andalus waxay baahisay dardaaran dhaxalgal ah oo uu ka tagay dagaalyahankii fuliyay camaliyadda weerarkii Camaara wuxuuna Al-istish-haadi Cabdiraxmaan Zeynuddiin dardaarankiisa oo ku baxaya luuqadda sawaaxiliga balse ay idaacaddu ku tarjumtay Afka Soomaaliga uu kaga hadlayaa arrimo la xiriira jihaadka ka aloosan bariga Africa wuxuuna farriimo muhiim ah u diray dhalinyarada aan wali soo hijroon soona haleelin kolonyada jihaadka . waxaa sidoo kale dardaaranka walaalka qay b ka ah farriin towbad keen ah oo uu u dirayo maleeshiyaadka Soomaalida ee dalka kusoo hoggaamiyay shisheeyaha iyo farriimo kulul oo ku socda dowladaha qaybta ka ah duullaanka lagu soo qaaday Soomaaliya.
Haddaba Si Aad U Dhagaysato Dardaaranka Istish-haadiga Booqo Oo Ku Dhufo Linkigan.
Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.
Calamada.com