Maamulka Puntland waxa uu ka mid yahay maamulada ay ku adeegato dowlada Xabashida Itoobiya ee gaalada caalamka ay ka dhisteen gudaha dalka Somaliya’waxa uu maamulka Ashahaado la dirirka Puntland weeraro culus kala kulmaan dhanka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Isbitaala ku kala yaala magaalooyinka Gaalkacyo’Garoowe iyo Boosaaso waxaa jiifa oo ku dayacan askar fara badan oo ka tirsan maleeshiyaatka Puntland kuwaasi oo badankooda ay ku dhaawacmeen weerarada ay fuliso Xarakada Shabaabul Mujaahidiin halka kuwo kalane ay ku dhaawacmeen shilal gaari.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay wareysi ay la yeelatay askari kasoo goostay maamulka Puntland kaasi oo saacadihii lasoo dhaafay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay kusoo bandhigtay Buuraha Goolis.
Askarigan oo lagu magacaabo Axmed Muxamed Cismaan waxa uu sheegay in mar uu ku dhaawacmay weerar ay soo qaadeen ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin isagoona xusay in wax daryeel ah uusan helin markii uu dhaawacmay kadibna uu go’aansaday inuu isku dhiibo Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Sidoo kale askarigan ayaa intaasi ku daray in isbitaalada Puntland ay ku dhintaan askar Puntland oo dhaawacyo ah kuwaasi oo wax daryeel ah aanan ka helin maamulka’waxa uu intaasi ku daray in maamulka Puntland askariga inta uu caafimaad qabo ay jecelyihiin balse markii uu dhaawacmo ama xanuun kale uu soo wajaha la iska tuurayo oo wax daryeel ah aan loo ogoleen.
Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Askariga Puntland Kasoo Goostay.
Calamada.com