Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay qarax culus oo ka dhacay duleedka degmada Wallanweyn ee Wilaayada Shabeelada hoose.
Qaraxan ayaa lala beegsaday gaari ay la socdeen sarkaal iyo maleeshiyaat ka tirsan Dowladda Ridada,iyadoo dhawaaqa qaraxa si aad ah looga maqlay deegaano ka tirsan gobalka Shabeelada hoose.
Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa lagu dilay ugu Yaraan Afar askari oo uu ku jira Sarkaal sare waxaana lagu dhaawacay Shan kale oo isla maleeshiyaatka dowladda ah.
Magacyada askarta iyo sarkaalka ayaa kala ah.
1- Jiitamow Waa askari ka tirsan Murtadiinta.
2-Cabdi Nuur Waa Askari ka tirsan dowladda Federaalka.
3-Muxamed Dheere Waa askari ka tirsan Kooxda Ridada.
4-Indha Ceel Waa Sarkaal ka tirsan dowladda Federaalka.
Halkan Ka Dhageyso Xogta Oo Dhameystiran.
Calamada.com