Magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay Oday dhaqan katirsan dadkii soo xulay baaralamaannada federaalka.
Rag bastoolado ku hubeysan ayaa toogtay mid kamid ah Odayaasha soo xulay Baarlamaanka maamulka Koonfur-galbeed, kaas oo ku sugnaa magaalada Muqdisho.
Ergigan Murtadka ah oo lagu magacaabi jiray Cabdi Llaahi Maliiq waxaana lagu dilay qeybo ka mid ah Xaafada Suuq Liif ee degmada Wadajir.
Dhinac kale, isgoyska Ceelasha-biyaha waxaa lagu toogtay askari katirsan ciidamada dowladda.
Rag hubeysan oo katirsan Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa toogtay askariga, kuwaas oo markaa kadib isaga tagay goobta.
Mas’uuluiyadda dilalkan ka kala dhacay degmada Wadajir iyo deegaanka Ceelasha Biyaha Waxaa Mas’uuliyaddooda si rasmi ah u sheegtay Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab.
Waxaa sii kordhaya dilalka qorsheysan ee lagu ugaarsanayo ciidamada dowladda, saraakiishooda, iyo Odayaasha soo xulay Baarlamaannada dowladda iyo maamul goboleedyada.
Halkan Ka Dhageyso Faahfaahinta Dilalka.
Calamada.com