Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada hoose waxey sheegayaan in gudaha magaaladaasi ka dhacay qarax khasaara dhaliyay.
Qaraxa oo loo adeegsaday Bam gacmeed waxaa lagu tuuray xildhibaano iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka Gaala raaca Axmed Madoobe kuwaasi oo ku caweynayay Maqaaxi uu leeyahay xildhibaan ka tirsan maamulkaasi taasi oo ku taala xaafada Faanoole ee magaalada Kismaayo.
Warar hoose oo laga helayo magaalada Kismaayo waxey xaqiijinayaan iney jirta dhaawacyo soo gaartay qaar ka mid ah xubnihii ku sugnaay goobta kuwaasi oo ka tirsan maamulka Murtad Axmed Madoobe.
Qaraxa kadib maleeshiyaatka maamulkaasi ayaa furay rasaas aan loo meel dayin iyagoona gabi ahaan albaabada isugu dhiftay goobaha ganacsiga ee magaaladaasi.
Qaraxan ayaa kusoo aadaya xilli maalmo ka hor weerar ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo lagu dilay ku dhawaad Afratn askari oo ka tirsan maleeshiyaatka maamulka Axmed Madoobe.
Halkan Ka Dhageyso Faahfaahinta.
Calamada.com