Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay qarax culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha degmada Qansaxdheere ee gobalka Baay.
Qaraxa waxaa loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago taasi oo lagu aasay goob xilli walbo ay fadhiistaan saraakiil iyo maleeshiyaat ka tirsan maamulka gaala raaca Shariif Sakiin.
Idaacada Islaamiga Andalus ayaa baahisay in qaraxaasi lagu dilay saddex askari tiro intaa kabadan waa lagu dhaawacay’iyadoona dhawaaqa qaraxa si aad ah looga maqlay gudaha iyo duleedka degmadaasi.
Warar hoose oo laga helayo degmada Qansaxdheere ayaa sheegaya in qaraxaasi xubnaha lagu dilay uu ku jiro sarkaal lagu magacaabo Ibraahim Arab oo ka mid ah saraakiisha horkaceysa maleeshiyaatka Murtadiinta ee ku sugan degmadaasi.
Sidoo kale warar hoose oo laga helayo degmada Qansaxdheere ayaa sheegaya in qaraxa xubnaha lagu dhaawacay uu ku jiro gudoomiye ku xigeenka Saddexaad ee maamulka Shariif Sakiin ugu magacaaban degmada Qansaxdheere kaasi oo la sheegay inuu dhaawiciisa culus yahay.
Halkan Ka Dhageyso Faahfaahinta Qaraxa Qansaxdheere.
Calamada.com