Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qorsheysan oo ciidamada Shabaabul Mujaahidiin saacadihii lasoo dhaafay ku qaadeen deegaan ka tirsan Jaziirada Lamu.
Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey weerar qorsheysan ku qaadeen deegaan lagu magacaabo Hindi oo ka tirsan gobalka Lamu waxeyna ciidamada Muslimiinta si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaankaasi.
Ma jirto wax iska caabin oo ay la kulmeen ciidamada Shabaabul Mujaahidiin,iyadoona ciidamadii Nasaarada Kenya ee ku sugnaay deegaanka ay goobta isaga carareen.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa howlgalo ka sameeyay deegaanka waxey dileen Shan Ruux oo Nasaarada Kenya ah waxeyna dab qabadsiiyeen guryo ay daganaayeen dadka Nasaarada.
Saraakiisha ciidamada Mujaahidiinta ayaa goob fagaara ah kala hadlay dad Muslimiin ah oo qeyb ka ah dadka ku dhaqan deegaanka Hindi ee Jaziirada lamu.
Dadka Nasaarada ayaa dhankooda dhigay dibad baxyo ay kaga cabanayaan sida dowlada Nasaarada Kenya u dayacday deegaanka xilna aysan iska saarin dadka Nasaarada ee ku dhaqan deegaankaasi.
Halkan Ka Dhageyso Faahfaahinta.
Calamada.com