Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay wareysiyo gaar ah oo ay la yeelatay qaar ka mid ah ganacsatada iyo xoogsatada ka shaqeysata sameynta Burjukada oo ah ganacsi ay caan ku tahay magaalada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud.
Ganacsatada ayaa xusay in imika si toos ah ay u bilaabeen sameynta iyo ka ganacsiga Burjukada oo ah ganacsi si weyn ay ugu caanbaxday magaalada Ceelbuur.
Ganacsatadan ayaa xusay in ganacsigooda hakad ku jiray mudadii saddex-da sano aheed ee ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya duulaanka ku joogeen degmada Ceelbuur balse imika ay dib u bilaabeen ganacsigoodii howshoodana si wanaagsan ay waqti xaadirkaan ku socota.
Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Ganacsatada Burjukada Ceelbuur.
Calamada.com