Wararka ka imaanaya degmada Beledxaawo ee gobalka Gedo waxey sheegayaan in gudaha degmadaasi uu ka dhacay qarax kaasi oo faahfaahino laga helayo.
Qaraxa oo loo adeegsaday Bamka nooca gacanta laga tuura waxaa lagu weeraray gudoomiyaha degmada Beledxaawo ugu magacaaban dowlada Ridada.
Bamka ayaa ku qarxay gudaha guriga’iyadoona ay jiraan khasaara kala duwan uu sababay qaraxa lagu weeraray guriga Muxamed Bayxaani oo ah gudoomiyaha Murtadiinta ee degmadaasi.
Wararkii ugu dambeeyay ee qaraxaasi ayaa sheegaya in gudoomiyaha degmada Beledxaawo ee Murtadiinta xilliga qaraxa uu ka maqnaay guriga balse waxaa qaraxa waxyeelo kasoo gaartay qaar ka mid ah ilaaladiisa gaarka ah.
Halkan Ka Dhageyso Qaraxa Ka Dhacay Beledxaawo.
Calamada.com