Askarta Dowlada Federaalka ayaa qeybo ka mid ah Wadada Xiriirisa magaalooyinka Marka iyo Muqdisho kufsi ugu geysteen Haweeney Muslimad ah Oo Xaamilo ah taasi oo ku guda jirtay Biliheedii ugu dambeeyey ee xamliga.
Haweeneydan ay Kufsiga u geysteen murtadiinta ayaa waxaa soo wajahday xaalad caafimaad oo aad u daran waxeyna ugu dambeyntii ay u geeriyootay Dhiig bax xoogan oo ka dhashay Kufsiga ay kula kaceen maleeshiyaatka Kooxda Ridada Somalia.
Haweeneydan ay kufsadeen ayaa ka soo safartay magaalada Marka waxeyna ku soo jiiday dhanka magaalada Muqdisho’iyadoona ay la socdeen tiro dad ah oo ay iska soo raaceen magaalada.
Hooyada dhashay Haweeneyda ay kufsadeen maleeshiyaatka Murtadiinta ayaa sheegtay in gabadheeda oo xaamilo ah ay la kulantay Kufsiga bareer ah oo ay geysteen dhowr askari oo ka tirsan maleeshiyaatka Murtadiinta, taas oo sababtay in ay dhiig bax u geeriyoota iyadoo ku sugan gudaha Kaam dad barakacayaal ah ay dagan yihiin oo ku yaala deegaanka Kaxda ee magaalada Muqdisho.
Maleeshiyaatka Dowlada Ridada Somalia iyo ciidamada Kufaarta Afrikaanta ayaa shaqo maalmeed ka dhigtay kufsiga, dilalka iyo raafka ka dhanka ah bulshad Muslimka ah ee ku nool deegaanada ay heystaan, wuxuuna falkan imaanayaa iyadoo dhawaan warbixin ka soo baxday gaalada QM lagu xaqiijiyey in ciidamada Kuffaarta Afrikaanta iyo maleeshiyaatka murtadiinta ay weli sii wadaan kufsiga ay kula kacaan dumarka Soomaaliyeed ee Muslimka ah.