Munaasabad ballaaran oo ka dhacday magaalada Xarardheere ee gobalka Mudug waxaa xariga looga jaray xarun cusub oo Idaacada Islaamiga Andalus ay ka hirgalisay magaaladaasi.
Munaasabadda waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Islaamiga gobalka Mudug ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin’Culimaa’udiin iyo odayaasha dhaqanka gobalka Mudug kuwaasi oo si aad ah usoo dhaweeyay furitaanka Xarunta Andalus ee gobalka Mudug.
Waaliga Wilaayada Islaamiga Mudug Sheekh Cabdul Qaadir Abuu Cadnaan oo xariga ka jaray xarunta cusub ee Idaacada Islaamiga Andalus ay ka hirgalisay degmada Xarardheere ayaa xusay in Wilaayadu si weyn usoo dhaweyneyso xarunta cusub Andalus ee gobalka Mudug’isagoona u mahadceliyay maamulka iyo guud ahaan howlwadeenada warbaahinta Islaamiga ah ee Andalus.
Sidoo kale goobta munaasabada waxaa ka hadlay culimada iyo odayaasha dhaqanka gobalka Mudug kuwaasi oo iyaguna dhankooda siweyn usoo dhaweeyay xarunta Idaacada Islaamiga Andalus ay ka hergalisay gobalka Mudug.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa ah warbaahinta xarumaha ugu badan ku leh gobalada dalka Soomaaliya’waxeyna imika Siddeed xarumood ku leedahay gobala dhaca Konfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.
Halkan Ka Dhageyso Kalimada Waaliga Mudug Sh Abuu Cadnaan.
Halkan Ka Dhageyso Kalimada Culimada Mudug.
Halkan Ka Dhageyso Odayaasha Dhaqanka Mudug.
Calamada.com