Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay weerar culus oo ka dhacay duleedka Magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari oo ka mid ah goobaha uu ka arimiyo maamulka gaala raaca Puntland.
Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa weerar isugu jira Duqeyn iyo Toogasho ku qaaday saldhiga maleeshiyaatka Puntland ay ka sameysteen deegaanka Galgalo oo ka mid ah deegaanada dhaca duleedka magaalada Boosaaso.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in weerarkaasi isugu jira Duqeynta iyo Toogashada ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen Labo iyo Toban askari oo ka tirsan maleeshiyaatka maamulka u adeega Xabashida Itoobiya ee Puntland.
Isbitaalka magaalada Boosaaso ayaa la dhigay askartii dhaawacyada ku noqday weerarka isugu jira duqeynta iyo Toogashada isugu jira ee ka dhacay saldhiga Galgala kuwaasi oo la xaqiijiyay iney dhaawacyadooda culusyihiin.
Halkan Ka Dhageyso Faahfaahinta Weerarka.
Calamada.com