Fagaara weyn oo ku yaala gobalka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya waxaa ka dhacay Labo xukun oo ka mid ah Xuduuda Allaah.
Labadaan Xad ayaa kala ahaa Xaddu Zinaa oo lagu riday wiil iyo gabar ku dhaqaaqay fal Zino ah oo ay hishiis ku wada ahaayeen.
Wiilka ayaa goobta fagaaraha lagu garbaashay kaasi oo lagu dhuftay Boqol Garbaash balse gabadha ayaa dib loo dhigay maadaama ay Xaamilo tahay.
Xadka labaad oo ahaa mid dil Qisaas ah waxaa lagu fuliyay nin lagu magacaabi jiray Saciid Muxamed Faarax kaasi oo deegaan ka tirsan gobalka Galgaduud horay ugu dilay nin lagu magacaabi jiray Cilmi Muxamed Sugulle.
Fagaaraha waxaa soo xaadiray kumanaan dadweyne ah’waxaana fagaaraha xukunka ka aqriyay Qaadiga guud ee Maxkamada Wilaayada Islaamiga Galgaduud.
Ninka dilka qisaasta ah lagu fuliyay waxaa goobta fagaaraha ku toogtay mid ka mid ah ehelada ninkii uu horay u dilay.
Halkan Ka Dhageyso Qaadiga Oo Xukunka Ku Dhawaaqayo.
Calamada.com