Fagaara weyn oo ku yaala deegaanka Tuulo-barwaaqo ee gobalka Gedo waxaa lagu soo bandhigay meydadka sarkaal iyo maleeshiyaat ka tirsan dowlada Ridada federaalka kuwaasi oo qeyb ka ahaa xubnihii lagu dilay dagaal culus oo maalintii shalay ka dhacay duleedka degmada Garbahaarey ee gobalkaasi.
Fagaaraha waxaa soo xaadiray oo usoo daawasho tagay boqolaal ruux oo ah dadka deegaanka kuwaasi oo si aad ah ugu farxay sida dagaalkii shalay loogu xasuuqay maleeshiyaatka dowlada iyo askarta Xabashida Itoobiya.
Meydadka goobta fagaaraha lagu soo bandhigay waxaa ka mid ah sarkaal sare oo ka tirsan dowlada Farmaajo kaasi oo lagu magacaabi jiray Gumaas Xuseen Aadam.
Halkan Ka Dhageyso Warbixinta.
Calamada.com