Mid ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed ee Muslimka ah ee dega Gobolka Mudug ee Bartamaha Dalka Somaliya ayaa ku dhawaaqday inay qaadatay Ku Dhaqanka Shareecada Islaamka, Ganafkana ku dhufatay dhamaan Xeer Hoosaadyadii u degsanaa Qabaa’ilada Soomaaliyeed iyo Dastuurada Kufriga ah ee ay soo dajiyeen Gaalada Caalamka.
Kulan ballaaran oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo kana soo qeybgaleen Culimo, Aqoonyahano iyo Odayaal Dhaqameed kala duwan ayaa lagu iclaamiyey go’aankan, waxaana waxgaradka iyo Salaadiinta Beeshan ay sheegeen inay dhexdooda isku Xukumi doonaan Shareecada Islaamka, wixii kala dhexeeya beelaha kalena loo marin doono Dhabaha Shareecada Islaamka.
Waxgaradka iyo Aqoonyahanada Beesha oo ka hadlay kulanka ayaa si aan gabasho lahayn ugu dhawaaqay go’aankan, una iclaamiyey aduunka oo idil.